Loading...

WAR DEG DEG AH: Cabdiweli Gaas oo Jawaab Cad ka bixiyay Go’aankii Baarlamaanka Puntland

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] ayaa ka hadlay go’aankii Baarlamaanka Puntland kalsoonida ugala laabteen xukuumadiisa.

Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu ku aqbalay go,aankii maanta baarlamanka Puntland ku kala direy golihiisa Wasiirada, isagoo sheegay inuu yahay qodob dastuuri ah go,aanka uu qaatey baarlamanka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inuu xukuumad cusub ku soo dhisi doono mudadda dastuurku u ogol yahay oo ah 21 casho, isagoo intaas ku daray inuu la tashan doono Madaxweyne ku-xigeenkiisa.

Wuxuu ka hadlay xaaladda ammaanka Puntland, wuxuuna ugu baaqay shacabka iyo ciidamada Puntland inay ka wada qeyb qaataan ilaalinta Amniga.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...