Loading...

WAR DEG DEG AH DAAWO: Shabaab oo Soo Bandhigay Gaarigii ay ka dhaceen M/weynaha Kenya

Dhawaan ayay aheyd markii laga war helay in Al Shabaab ay afduubteen Shaqsiyaad la socday iyo gaariga Ololaha Musharaxnimo Madaxweynaha Kenya ee hada xilka haya Uhuru Kenyaata.

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa soo bandhigay gaarigaasi ay ka soo qafaasheen dalka Kenya maalmo kaasi uu leeyahay Xisbiga Jubilee ee Madaxweynaha dalka Kenya uu ka tirsan yahay.

Gaarigaan oo uu ku xardhanaa astaanta calanka Jubilee, ayaa waxaa ku qornaa magaca Xildhibaan Mohamed Ibraahin Mohamed oo ka tirsan Kenya.

Shabaab ayaa sheegay gaarigaan inay ka soo dhaceen Kooxda Ololaha Madaxweynaha dalka Kenya, kadib markii ay wadada ugaleen, iminkana gaarigaan uu si toos ah gacanta ugu jiro Ururka Al Shabaab.
Warbaahinta Shabaabka ee soo bandhigtay gaarigaan ayaa soo saartay muuqaal ay ka hadlayaan Ajaanibta ka tirsan Shabaab ee Kenyattiga ah, kuwaasi oo fariin u diraya shacabka dalka Kenya.

“Walaalayaal kaca oo baraaruga oo soo haajira. Imaada oo arka sida ay gaaladu kaga cararayaan fagaarayaasha dagaalka sida uu Allaah Qur’aanka ku sheegay.” Sidaas waxaa oranaya mid ka mid ah dagaalyahanada ka soo muuqday Filimka.

Halkaan hoose ka daawo

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...