Loading...

WAR DEG DEG AH: Mooshinkii Ra’iisul Wasaare Kheyre oo loo wareejinayo Madaxweyne Farmaajo

Maalmahan dambe waxaa soconayey mooshin ay wadeen xildhibaanno kamid ah golaha shacabka oo ay ku doonayeen iney ka keenaan xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Hase ahaatee warar si hoose ay u heshay Alldhacdo.com ayaa sheegaya in qorshaha sidii hore ay wax ka beleen xildhibaannadii Kheyre ku wajahnaa, waxaana ay markaan go’aansadeen in Farmaajo loo leexiyo.

Xildhibaan magaciisa kusoo koobay, AJK ayaa inoo sheegay in hadda uu socdo is uruursi xildhibaannadii ku fashilmay mooshinka Kheyre, markaanna ay doonayaan in dhanka Farmaajo wajahaan.

Waxaa jira xildhibaanno ay u yeerteen balse loo gacan seeray, loona sheegay in Soomaaliya aan mar kale qalqal siyaasadeed la gelineyn.Xildhibaannada mooshinnadan la ordayo waxaa u badan kuwo xilal ka waayay dowladda cusub, islamarkaana qaarkood quud dareenayey in lagu maslaxo wasaarado ama wax lamid ah.

Dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo ayaa hadda haysata kalsoonida inta badan xildhibaannada Labada aqal, walow xildhibaannada ay awood u leeyihiin in mooshin geeyaan, balse aysan u heleyn codod ku filan.

Waxyaabaha kale ee xildhibaannada diiddan mooshinka cuskanayaan waxaa kamid ah in dowladdan ay tahay middii shacabka, sidaasi darteedna aysan habooneen in shacabka la niyad jabiyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa laga sugayaa isbedel dhan walbo leh, islamarkaana dalkaan gelisa hannaan wanaagsan oo horusocod ah.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...