Loading...

WAR DEG DEG AH: Raila Odinga oo Hadal Ka Nixinaya Somaliya Ku Dhawaaqay & Baqdin Jirta

Waxaa Maalin kadib La Qaban doonaa Doorashada Guud Ee Dalka Kenya oo Murashaxiin Caan ah ay Taagan yihiin.

Raila Odinga R/wasaarihii Hore Ee Kenya ayaa waxa uu ugu cad cad yahay Doorashadaasi inuu ku guuleystana loo saadaaliyey.

Waxa uu Khudbad ku sheegay Hadii Talaadada Isbuucaan Doorashada la qabanayo uu kusoo baxo uu Aqoonsi siin doono Soomaaliland una Ictiraafayo Jamhuuriyad ka madax banaan Soomaaliya.

Arintaan ayaa guux iyo Baqdin gelin karta Madaxweyne Farmaajo oo ah Iminka Hogaamiyaha Soomaaliya Dhaawac iyo Mugdi Siyaasadeedna ka dhex Abuuri karta Labada Dhinaca Ee Kenya & Somalia.

Uhuru Kenyatta oo ah Madaxweynaha Kenya ayaa mar kale doonaya inuu kusoo baxo Doorashada 8 Bishaan Dhaceysa isagoo Taageero badan ka heysta Muwaadiniinta Dalkiisa.

Soomaaliland ayaa ku farxi doonta hadii Odinga uu ku guuleysto Doorashadaasi maadama uu uballan qaaday inuu Aqoonsan doono hadii Madaxweyne uu Talaadada ku guuleysto.

Tan iyo 1991-kii Soomaaliland ayaa waxay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya balse Aqoosni Caalami ah ilaa Wakhtigaasi Caalamka kama aysan helin.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...