Loading...

WAR DEG DEG AH: Xiisadii Wasiir Xoosh & Baarlamaanka oo la soo Afjaray & Wasiirada oo la tusay Awooda Xildhibaanada

Kulankii xasaasiga ahaa ee Xildhibaanada Baarlamaanka ay go’aanka kaga gaarayeen Wasiirka Dastuurka Xukuumada Soomaaliya ayaa soo gaba gaboobay.

Wararka deg dega ee Wakaalada Garqaad.com ay ka heleyso Xarunta Baarlamaanka ayaa sheegaya Wasiirka Dastuurka Cabdi raxmaan Xoosh Jabriil uu raali galin ka bixiyay Qoraal uu soo dhigay Baraha Bulshada, waxaana Xildhibaanada Baarlamaanka ay aqbaleen Raali galintaasi iyadoo sidaas lagu soo afjaray khilaafka u dhaxeeyay qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka iyo Xoosh Jabriil.

Wasiir ayaa codsaday in la cafiyo isagoona yiri:

“Waxaan idin codsanaa maya codsi maaha waxaan idin ka barayayaa inaad I cafisaan sababtoo ah ma is laheyn in arintaan ay halkaan soo gaareyso wax kasta oo aan barteyda Bulshada ku soo qorayana waan ka fiirsan doonaa sidoo kale idinkoo ii wacay ma maqnaan doono, ha lii cafiyo mudanayaal”

Labo ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Xoosh Jabriil ayaa goobta ka hadlay waxayna sheegeen in raali galinta ay aqbaleen, su’aalihii la weydiin lahaana la iska daayay.

Xalay iyo shalay Kulamo xasaasi ah oo kala dhacay Guriga Ra’iisul wasaaraha, Madaxtooyada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Hotelada Magaalada Muqdisho ayaa go’aan looga gaaray arintaan, waxaana natiijada hada soo baxday ay aheyd mid la filayay.

Wasiirka wasaarada Dastuurka Cabdi Raxmaan Xoosh Jabriil ayaa faraha galay Xiisad qaraar oo u dhaxeysa Baarlamaanka Soomaaliya iyo Maxkamada sare ka dib markii Baarlamaanka uu laalay Go’aankii maxkamada sare ay ku codsatay in lagu laabto doorashad Sideed Xildhibaan.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...