Loading...

WAR HADA AH: Farmaajo Oo Xil Cusub u Magacaabaya Siyaasi Salaad Cali Jeelle (Waa Xil kee )

Warar si hoose ay u heshay wakaaladda Garqaad.com ayaa sheegaya in madaxweynwe Farmaajo uu wado qorshe uu xil cusub ugu magacaabayo siyaasi Salaad Cali Jeelle.

Jeelle oo ah qabiir dhanka amniga oo wax badan kasoo qabtay ammaanka dalka xilliga dowladdii C/laahi Yuusuf ayaa hadda lagu wadaa in xil amniga quseeyo loo dhiibo.

Marka hore qorshaha ayaa ahaa in loo magacaabo la taliye ammaan oo Villa Soomaaliya ah, hase ahaatee waxaa la isla gartay in xil ficil la socdo loo dhiibo.

Salaad ayaa ah nin ad adag oo wasiir ku xigeenka difaaca soo noqoday, wuxuu noqday musharrax Madaxweyne iyo xildhibaan.

Salaad ayaa ahaa shaqsigii maxkamada Islaamiga la dagaallamay, ciidankii uu kasoo abaabulay Baydhaba keenay Muqdisho.

Garqaad Mogadishu – Soomaaliya

 

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...