Loading...

WARARKII UGU DAMBEEYEY Ee Madaxtooyada iyo Afhayeenkii oo xilka iska casiley iyo sababta

Sean Spicer, oo ahaa Afhayeenka Aqalka Cad ee looga arimiyo dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay , waxaana Warbaahinta dalka Mareykanka warar kala duwan ka qorayaan sababaha keenay is casilaadan deg dega ah.

Afhayeenkii Aqalka Cad ayaa la sheegay in uu shaqada si deg deg ah uga tagay kadib markii uu ka carooday Masuul cusub oo madaxweyne Donald Trump u magacaabay agaasimaha warfaafinta ee Aqalka Cad.

Madaxweyne Donald Trump ayaa agaasimaha warfaafinta ee Aqalka Cad u magacaabay Anthony Scaramucci oo ah nin ganacsade ah sidoo kale ahaa Wariye la shaqeenayay Wargeyska caanka ah ee Wall Street .

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in Spicer oo 45 jir ah uusan ku farxin magacaabista Anthony Scaramucci , waxa uuna magacaabista masuulkan uu ku tilmaamay khalad wey oo uu sameeyay madaxweyne Trump.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...