Loading...

Warbixin ku Saabsan Kiiska Qalbi dhagax oo Maanta Jawaari loo Gudbinayo..?

Guddigii loo xil saaray kiiskii C/kariin Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Jabhadda ONLF oo bishii Augusto ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya ayaa maanta lagu wadaa in warbixin ku aadan baaritaankooda u gudbiyaan Guddoomiyaha Golaha shacabka.
 
Guddigan oo la magacaabay 18-kii bishii September ayaa ka kooban 15 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka, waxaana Guddoonka uu u xil saaray inay baaritaan ku soo sameeyaan kiiskiisa iyo qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay 6-dii bishii September, iyagoo la kulmay dinacyo kala duwan.
 
Warbixinta Guddigan ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah, taariikhduna tahay 10 October u gudbiyaan Xafiiska Guddoonka Golaha shacabka, waxaana la filayaa in warbixintaas in la horkeeno Xildhibaanada golaha shacabka, si ay go’aan uga gaaraan, ugu dambeyn cod u qaadaan.
 
Kulamada guddigan ay yeelanayeen mudadii ay baaritaanka wadeen ayaa ahaa mid aan waxba lagala socon, isla markaana saxaafada ka war heyn.
 
Guddoonka Golaha shacabka ayaa horay ugu dalbaday Guddigan in kama dambeyn ay warbixintooda baaritaanka u soo gudbiyaan Xafiiska Guddoonka 10-ka bisha October oo maanta ku beegan.
 
Dad badan ayaa isha ku haya warbixintan iyo sida ay noqon doono, waxaana Kiiskii Qalbi Dhagax uu ahaa mid ka mid ah kiisaskii ugu weynaa ee dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo lugaha la gasho, kaasoo la rumeysan yahay in taageero badan ku lumiyeen.
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...
DHAGAYSO: Hooyo 9 caruur ah ku Weysay Qaraxii Muqdisho Oo Dhimirka Beshay..?
- Oct 16, 2017
Xili uu isa sii tarayo qasaaraha ka dhashay werarkii ismiidaaminta ee ka dhacay Magaalada ...
WAR DEG DEG AH: Dhimashada Qaraxii Zoobe Oo Mareysa 237 Iyo Dhaawaca 374 Qof..?
- Oct 15, 2017
Labo boqol iyo soddon iyo todobo(237) qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ...
DHAGEYSO: Xagee Lagu Diyaariyey Gaarigii Shalay ku Qarxay Muqdisho, Sideesa uu Kusoo Gudbay Baraha Koontaroolka..?
- Oct 15, 2017
Websedka Garqaad.com ayaa sameysay baaritaan xooggan oo ku aadan halka lagu soo diyaariyey gaarigii ...
DHAGEYSO: Wasiir Yuusuf Garaad iyo Wasiiro kale oo ku dhawaacmay Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe..?
- Oct 15, 2017
Waxaa daqiiqad walba sii kordhaya khasaaraha lixaadka leh ee uu geestay qaraxii shalay ka ...
DHAGEYSO: Isbitaalada oo Buux dhaafiyay, Tirada dadka la la’yahay oo korortay iyo Murugo Muqdisho ka jirta..?
- Oct 15, 2017
Dad Shacab ah ayaa buux dhaafiyay Isbitaallada iyo sidoo kale Isgoyska Soobe Magaalada Muqdisho ...
XOG CULUS: Odayaasha Dhaqanka beesha Hawiye oo wax yeelo ay kasoo gaartay qaraxii ka dhacay Agagaarka Hotel Safari..?
- Oct 14, 2017
Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa Qarax ka dhacay goordhow Agagaarka hotel Safaai oo ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Zoope, Meydad laamiyada yaal iyo Guryo gubanaya..?
- Oct 14, 2017
Warar Naxdin leh ayaa kasoo kordhay qaraxii maanta ka dhacay isgoyska Zoope ee magaalada ...
WAR DEG DEG AH: Qarax Ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay iyo Faahfaahin ku saabsan, halka lala eegtay.
- Oct 14, 2017
Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka ...