Loading...

WARBIXIN: Shan Ciyaaryahan Oo Awood U Leh Inay Jabiyaan Rikoorka Suuqa Kala Iibsiga Uu Ka Dhigay Neymar Jr

Paris Saint Germain ayaa ayaa FC Barcelona kala soo wareegtay Neymar Jr markii ay bixisay qiimaha lagu burburin karay qandaraaskiisa oo ah 222 milyan oo euro.

Arintaan qofna macquul lama aheyn ka hor inta aan la xaqiijin heshiiska rasmiga ah ee labada koox.

kooxda Faransiiska ka dhisan ayaa suuqa kala iibsiga ka furtay wado cusub oo ah in ciyaartoyda la burburin karo qiimo kasta oo ay kula joogaan kooxdooda.

Kooxaha waaweyn ee qaaarada Yurub ayaa hadda doonaya in ay sameeyaan heshiisyo waali ah oo jabin kara rikoorkii Paris Saint Germain ku qaadatay Neymar.

Haddaba waa kuma shanta ciyaaryahan ee awooda u leh inay jabiyaan rikoorka Neymar, haddii ay doonayaaan in ay ka tagaan kooxahooda.

# 1 – Lionel Messi:

FC Barcelona v AS Roma - UEFA Champions League

Lionel Messi oo 30 sanno jir, ayaa weli loo arkaa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.

Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa Barcelona ku hogaamiyay koobab badan iyo abaalmarino tan iyo markii uu kooxda koowaad kamid noqday 2004.

Qandaraaska xidigga Messi kula jiro kooxda Barcelona hadda waxaa lagu burburin karaa 300 milyan euro, waxaana uu dhacayaa June 2018.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay u badan tahay xiddiga kasoo baxay La Masia inuu ciyaaraha kaga fariisto kooxda Barcelona.

# 2 – Marco Asensio:

Deportivo de La Coruna v Real Madrid CF - La Liga

Waa ciyaaryahan kale oo Real Madrid ah! Sababaha naadiga Isbaanishku lacagta sare u duldhigayaan ayaa ah inuu leeyahy xirfad sareysa.

Marco Asensio ayaa goolal ka dhaliyay La Liga, Copa del Rey, Champions League iyo Spanish Supercup xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.

21 jirkaan ayaa loo arkaa inuu yahay bedelka mustaqbalka dhaw ee Ronaldo, waxaana qiimo ahaan uu ka joogaaa waqtigaan suuqa 250 million oo Euros.

# 3 – Isco:

Real Madrid CF v UD Las Palmas - La Liga

Francisco Román Alarcón Suárez, oo loo yaqaan ‘Isco’, ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii ugu fiicnayd ee Real Madrid 12kii bilood ee u dambeyay.

Inkastoo waqti adag uu la qatay macalimiinta Carlo Ancelotti iyo Rafa Benitez, haddana wuxuu ku raaxeysanayaaa waayaha macalin Zinedine Zidane.

Waxaa lagu burburin karaa qandaraaskiisa 700 milyan oo euros, mana jirto koox bixin karta dhaqaalahaas, maadaama heshiiskaas uu jabinayo xeerarka dhaqaalaha ee UEFA Financial Fair Play.

# 4 – Cristiano Ronaldo:

Real Madrid CF v Levante UD - La Liga

Real Madrid ayaa ku guuleysatay xilli ciyaareedyadii lasoo dhaafay horyaalka Spain, UEFA Champions League iyo koobka kooxaha adduunka, Iyadoo Cristiano Ronaldo hogaaminayay kooxda.

Inkastoo ay xaqiiq tahay in Ronaldo uu 32 sanno jir yahay, haddana wuxuu kujiraa ciyaartooyda jabin kara qiimaha lacagta lagu iibsaday Neymar.

Heshiiska xiddiga reer Portugal ee kooxda Real Madrid waxaa lagu burburin karaa 250 milyan oo euros.

# 5 – Marco Verratti:

Italy v Albania - FIFA 2018 World Cup Qualifier

Paris Saint Germain ayaa kaga guuleysatay Barcelona in ay ka ceshato Marco Verratti oo qiimo sare loosoo bandhigay xagaagan.

Nasser Al Khelaifi waligiis kuma fakirin inuu iibiyo ciyaaryahanka khadka dhaxe ee Talyaaniga qiimo kasta oo ay la timaado kooxda Catalans.

Haddii maanta Paris Saint Germain iibineyso Marco Verratti wuxuu ku kacayaa qiimo ka sareeya 250 milyan oo euros.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...
DAAWO: Magaalo P/Land katirsan oo S/Land ku biirtay, Wasiir Xilkiisa Si lama filan ah ku waayay & Qosolkii Cali Xaraare..?
- Sep 18, 2017
Barnaamijka Kaftanka Siyaasadda ayaa todobaadkan waxaa looga hadlay arin xasaasi ah oo dad badan ...
DAAWO: Magacyada Gudiga & Beelaha Xildhibaanada ee loo magacaabay Arrinta Qalbi-dhagax..?
- Sep 18, 2017
Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ...
DHAGAYSO: Amarka kasoo Baxay Galmudug ee lagu soo Xirayo Wadaadka lagu magacaabo Cabdi Wali Afyare Cali..?
- Sep 18, 2017
Wararka aan hada heleeno ayaa sheegaya in Wasaarada Amniga ee Maamulka Galmudug amartay in ...
DAAWO Arin Cusub: Xildhibaan Goobjoog ka ahaa Heshiiskii Itoobiya loogu dhiibay Qalbi-dhagax oo Xog cusub bixiyay..?
- Sep 18, 2017
Iyadoo uu weli taagan yahay muranka ka dhashay dhiibida Sargaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse ...
DAAWO: Cali Khaliif oo ku dhawaaqay Arrin ka nixisay DFS & P/Land & QM oo wax ka og heshiiska S/Land..?
- Sep 18, 2017
Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa shaaca ka qaaday in QM iyo Beesha ...
ARAG: Wiil Garaacid ku dilay Hooyadiis oo 81 jir ah Si uu Xaaskiisa uqanciyo (Subxaanallah)
- Sep 17, 2017
Hooyo Da’ ah ayaa dhimatay kadib markii wiilkeeda uu six un ugaraacay, arintan ayaana ...
DHAGAYSO: Ra’iisal Wasaare Kheyre Afka Furtay: Maanta Dad baa diidan horumarka umadda Soomaaliyeed..?
- Sep 17, 2017
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa afka furtay oo ka hadlay markii ...
TOP NEWS:- Xawaalada Jubba oo Wariye caan ah lacag ka dhacday iyo Sababtii ka Dambeysay..?
- Sep 17, 2017
Xawaalada Jubba oo ka mid ah Xawaaladaha ka Hool gala Dalka Gudihiisa iyo Dibada ...