Loading...

Wareysi 9-sano ka hor la qaaday: Maxay ku riyoodeen Neymar iyo Coutinho markii ay dhalin yaraayeen?  

Neymar iyo Coutinho xagaagan hadal heynta suuqa Yurub iyaga ayaa la wareegeen mid meel ayuu u dhacay mustaqbalkiisa cayaareed midna weli meel uma dhicin mustaqbalkiisa.

Laakiin Neymar iyo Coutinho markii ay dhalin yaraayeen waxay ku wada riyoon jireen ama ku sheekeesan jireen inay maalin un xirtaan maaliyada kooxda Real Madrid.

Labadaan xidig waa saaxiibo dhow waxayna aqoon isku leeyihiin tan iyo sanadii 2008 markii xulka Brazil loogu yeeray kuwa da’dooda ka hooseyso 16-ka sano xiligaas Maarso 2008 waxayna ka wada qayb qaateen tartamo Qatar iyo Yurub lagu qabtay.

Qoraaga wargeyska Marca ka tirsan David Ruiz  ayaa xiligaas fursad u helay 9-sano ka hor inuu Neymar iyo Coutinho wareysi la yeesho.

David David Ruiz  su’aalaha uu weydiiyay Neymar iyo Coutinho oo aad u dhalin yar waxay ahayd:

Suaasha 1-aad: Waa Kuma Kooxda Aad Ku Riyootid Inaad U Cayaartid?

Coutinho: Real Madrid, waayo waa kooxda ugu wanaagsan dunida.

Neymar: Real Madrid.

Su’aasha 2-aad: Waa Kuma Cayaaryahanka Aad Ku Dayatid Kubada?

Coutinho: Robinho waayo isaga ayaan ka bartay sida kubada labada lugood loogu laado ama qalaamo rogod loogu sameeyo waxaana jeclahay inaan daawado Barcelona Vs Real Madrid waana labada koox ee aan La Ligaha ka xiiseeyo daawashadooda.

Neymar: Waxaan kusoo biiray Santos anigoo 7-jir ah, waxaan aaday naadiga Portuguesa Santista laakiin kubad rasmi ah waxaan bartay marka aan Santos kusoo laabtay.

Robinho in badan ayaan TV-yada ka daawaday waxaana inta badan isku dayi jiray inaan isaga iska dhigo gaar ahaan sida uu ugu gambiyo cayaartooyda kasoo hor jeedaan.

Sidoo kalena waxaan jeclahay kubada Spain laga cayaaro, waxay cayaaraan kubad kusoo jiidaneyso, waa kubad xawaare leh xirfadna ku dheehan ayaa Spain laga cayaaraa.

Su’aasha 3-aad: Muxuu Yahay Hadafka Aad Hiigsaneysid?

Coutinho: Waxaan rabaa inaan horyaalka Spain ka cayaaro waxaana halkaas joogaan xidigaha aduunka ugu wanaagsan sida Robinho iyo Ronaldinho.

Neymar: Waxaan rabaa inaan horyaalka Spain ka cayaaro  waa horyaalka ugu xiisaha badan uguna soo jiidashada badan sidoo kalena xidigaha caalamka ugu wanaagsan halkaas ayay joogaan.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...