Loading...

Wasiir Xirsi Aadan Rooble oo dhibaato aan la aqbali karin ku hayo aqoonyahanka Beesha Saruur

Inkastoo ay jiraan Dadaalo ay wado Dawladda Federalka haddana waxaa jira waxyaabo badan oo aan u muuqan Dawladda, balse dhibaato ku ah Beelaha qaar, sida awood qaybisaga oo ay ka jiraan dhibaatooyin soo noqnoqda. Waxaa jira Siyaasiyiin ku metala Beelahooda Kuraasta Baarlamaanka ama Golaha Xukuumada kuwaa oo caqabad ku ah dadkii ay ku matalayeen Beeshooda iyagoo dhibaato aan qarsoonayn ugu gaysta aqoonyahanada, Dhalinyarada, Haweenka iyo cid kasta oo ka tirsan Beeshaasi.

Haddaba aan Tusaale u soo qaato Wasiir Ku xigeen ahna Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble oo ahaa Ganacsade Hubka lagu iibin jiray Muqdisho oo loo Yaqan Cir Toogte ayaa muddo ka badan Toban sano waxa uu yahay Xildhibaan iyo Wasiir Ku xigeen aan marna laga bedlin wsaaradii uu ku bilaabay oo ahayd Wasaarada Gaadiidka circa iyo Dhulka.

Waxaa is weydiin leh in Xirsi Aadan oo aqoontiisu tahay Cir-toogte miyaa llaga waayey Beesha uu ka soo jeedo Aqoonyahan ku metala xilka ay beeshu hesho, Jawaabtu waa iska fududahay lama waayin laakiin Xirsi Aadan Cabsi laga qabo ayaanayn suuragal ku ahayn in la haweysto Xil Dawladeed Gaar ahaan Xukuumada ama Jago kale oo aqoonyahanada Beeshu ugu shaqayn lahaayeen Dawladda.

Qof ka mid ah Beesha uu ka soo jeedo Xirsi Masuuliyad Dawladeed uma doonan karo Dawlada sababtoo ah Wasaarad kasta waxaa u jooga dad Basaasiin ah oo u sheegaya hebel oo aad isku beel tihiin ayaa CV keensaday Wasaarada iasagoo raadinaya ugu yaraan Agaasime Waaxeed, kadib waxa uu samynayaa wuxuu la xiriirayaa Wasiirka ama Wasiir ku xigeenka Wasaaradaa isagoo leh Dadkii aan anigu u ahaa Xildhibaanka ama Wasiiirka iyago aan I soo marin aad u qaabilaysaan intaa kadibna qofkii hakad la gelinayaa wixii uu ka soo doontay Wasaaradaa.

Waxaa xaqiiqo ah inaan idin siiyey Tusaalaha ugu yar ee Dhaqanka Xirsi uu is leeyahay yaanay cidna ka soo bixin Beesha oo aysan ka soo muqqan Saaxada Siyaasada, taasoo sababtay in Aqoonyahankii Beesha uu meelaha iska fadhiyo isagoo Cir-toogte ahna uu hayo Jagooyin muhiim ah muddo 10 Sano ka badan.

Mararka qaar waxaa dhacda arimo shaki keeni kara oo ay ka mid yihiin Dilal loo geystay dad ka dhashay Beesha Tusaale waxaa inooga filan Allaha u Naxariistee Nabadoon Cabdi Maxmed Jimcaale oo ka mid ahaa Ergadii Cadaado ku soo xulaysay Xildhibaanada Galmudug uga mid noqon lahaa Baarlamaanka Federaalka oo lagu dilay Muqdisho, dilkaa oo la tuhmayo in aanay ku lug layahn Naadiga Arsenal.

Xirsi Aaadan Rooble waxaa la hubaa inuu Xiriir la leeyahay Sarkaal Sare oo ka tirsan Shabaab oo ay isku beel yihiin oo la yiraa Cabdifitaax Baari taasoo ah arin la yaab leh waxa ka dhexeyn kara Xirsi iyo Cabdifitaax Baari.

Ugu dambayn Dawladda Federaalka waxaan ka codsanaynaa inay wax ka qabtaan Dhibaatada Haysata Aqoonyahankii u dhashay Beesha uu ka soo jeedo Xirsi Aaadan Rooble ee wax u Atari lahaa Dawladda ee meelaha iska fadhiya Cabsi ay naftooda uga baqayaan Xirsi Aaadan Awgii.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...