Loading...

XOG: Cabdi Cawaale Qayb-diid oo ku Hanjabay inuu soo celinayo Dagaal Beeleedyadii

Cabdi Cawaale Qayb-diid, waa mid kamid ah odayaasha aqalka sare ee Soomaaliya, sidoo kale wuxuu kujiraa qab qablayaashii dagaal ee xilligii Burburka, waxaana lagu sheegaa in uu yahay caaddifi ah oo reernimada ay ku wayn tahay sida dadka qaar ay eedeeyaan.

Senator ka ayaa ka dacwooday kornell Saadaq oo ahaa taliyihii hore ee ciidanka nabad sugid Galmudug, haddana loo magacaabay taliyaha nabad sugidda gobolka Banaadir, kaddib markii uu xiray Mahad Dollar oo jufo ahaan ay is leeyihiin Cabdi Qaybdiid.

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdood ayaa dad u dhow dhow u sheegay in Saadaq uu doonayo inuu hub ka dhigis ku sameyso isaga isla markaasna midaas aysan macquul aheyn, wuxuuna dhawr jeer dacwad u gudbiyey siyaasiyiinta ugu magaca weyn Beesha Saleebaan.

Cabdi ayaa ka xanaaqay intii ay socotay hub ka dhigista oo la doonayey in gurigiisa laga soo saaro hub ugu duugan, wuxuuna falkaas ku tilmaamay mid gurucan oo sumcadiisa lagu dhibaateenayo, isla markaasna uu yahay Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare aysanana ka suurtagelin inuu xilligaan hub duugto.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheekada u badalay hab qabiil, wuxuuna Beesha Saleybaan ka codsaday inay ka celiyaan Saadaq, haddii kale ay arrinta gaari doonto meel xun.Ilaa hadda arrintaan si rasmi ah ma uusan uga hadlin Cabdi Qeybdiid, sidoo kalana way noo suurtageli weysay inaan xog buuxda ka helno Saadaq oo ah ninka dhibaatada laga sheeganayo.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...