Loading...

XOG CULUS: Xisbiga Horusocod oo shuruudo adag ku xiray Ansixinta Miisaaniyada 2017 (Akhriso)

Xildhibaanada Xisbiga Horusocod ayaa Gudiga Maaliyada ee Baarlamaanka oo haatan gacanta ku haya dib u eegida Miisaaniyada 2017 ayaa ka dalbaday inay Miisaaniyadaa u soo badhigaan Shacabka iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed si ay ula arkaan qaladaadka iyo ku takri falka ka muuqda Miisaaniyada 2017.

Xildhibaanada Xisbiga Horusocod ayaa hoosta ka xariiqaya in aanay marnaba ansixinayn Miisaaniyada inta wax laga bedelayo Qodobada kala ah.

1- In Somaliland lagu soo daro Miisaaniyada, arintaa oo astaan u ah Midnimada Dalka iyo Dadka soomaaliyeed

2- In Mushaarka Ciidamada si aad ah kor loogu qaado oo lala simo Mushaarka Shaqaalaha Rayidka ah.

3– In Xafiisyada Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha oo ay u qoran tahay lacag ka badan 11 Milyan oo Dollar si aad ah hoos loogu dhigo, lacagta laga dhimayna loogu daro Ciidamada Qaranka.

4- In Miisaaniyada lagu daro adeega shacabka loo qabanayo Sida Isbitaalo, Wadooyin, Iskuulo, Shaqo Abuur, Koronto, IWM.

5- In Guddi loo saaro Daynta been abuurka ah ee la sheego in Dalka Somalia lagu leeyahay, lana hubiyo sida ay ku timid dayntaasi, waxa ay ku baxday iyo cidda qaadatay, waxaana muuqata inay tahay ifafaalo muujinaya inay tahay xirfad dalka lagu dhacayo.

6- In la cadeeyo Kororka dhaqaale ee Dalka ee ah 90% ee hore loo shaaciyey ee aan Miisaaniyadana ka muuqan.

7- In la cadeeyo lacagihii Dawladaha shisheeye bixiyeen isla markaana lagu soo cadeeyo Miisaaniyada Xisbiga Horusocod ayaa ka codsaday Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka inay Xaqiijiyaan wax ka bedelka Qodobadaasi si Miisaaniyada loo ansixiyo.

Waxaa xusid mudan in miisaaniyada la soo bandhigay inaanay haba yaratee ku jirin wax ku saabsan horumarinta bulshada keliya Miisaaniyadu waa Miisaaniyadu waa Mushaar, Guno, Shidaal, Kiro, iyo Safaro kumana jiraan Iskuulo cusub oo la dhisayo ama kuwa cusub oo la dayactirayo.

…..DHAMAAD…..

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...