Loading...

XOG CUSUB: oo kasoo kordheysa Sh Mukhtaar Roobow & Ciidamadii ugu badnaa oo loogu diyaariyay…?

Hogaamiye ku-xigeenkii hore ee Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow “Abuu Mansuur” oo sheegay inuu isku dhiibay dowlada Somalia ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Baydhabo.
 
Abuu Mansuur ayaa magaalada Baydhabo ku sugnaan doona muddo ku dhow laba bil, iyadoo ujeedka socdaalkiisa uu yahay mid salka ku haya dib u habeyn lagu sameynaayo xoogagiisa ku sugan deegaanka Abal iyo Gaadiidka ay ku shaqeeyan.
 
Mukhtaar Roobow ayaa waxaa mudada uu ku sugnaan doono magaalada Baydhabo amnigiisa sugi doona ciidamo isugu jiro Soomaali iyo Ethiopia kuwaa oo ay wehlin doonaan tirro dagaalyahaano ah oo hadda lagu sii diyaariyay magaalada Baydhabo.
 
Ciidamada ka qeybqaadan doona amniga Mukhtaar Roobow ayaa tirro ahaan lagu sheegay 120 kuwaa oo ay ka madaxbanaan yihiin dagaalyahaano lasii shaqeyn doono inta uu ku sugan yahay Baydhabo.Ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay ciidamada sugi doona amnigiisa ayaa la sheegay inay tahay mid looga gaashaamanaayo duulaan kaga imaada maleeshiyaadka Al-shabaab.
 
Dhinaca kale, dowlada Somalia ayaa dhan waliba xooga ka saareysa sida Roobow looga badbaadin lahaa xagjiriinta Somalia ee Al-shabaab, kuwaa oo ku howlan dadaal ay ku doonayaan inay ku khaarijiyaan.


Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...
DAAWO: Magaalo P/Land katirsan oo S/Land ku biirtay, Wasiir Xilkiisa Si lama filan ah ku waayay & Qosolkii Cali Xaraare..?
- Sep 18, 2017
Barnaamijka Kaftanka Siyaasadda ayaa todobaadkan waxaa looga hadlay arin xasaasi ah oo dad badan ...
DAAWO: Magacyada Gudiga & Beelaha Xildhibaanada ee loo magacaabay Arrinta Qalbi-dhagax..?
- Sep 18, 2017
Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ...
DHAGAYSO: Amarka kasoo Baxay Galmudug ee lagu soo Xirayo Wadaadka lagu magacaabo Cabdi Wali Afyare Cali..?
- Sep 18, 2017
Wararka aan hada heleeno ayaa sheegaya in Wasaarada Amniga ee Maamulka Galmudug amartay in ...
DAAWO Arin Cusub: Xildhibaan Goobjoog ka ahaa Heshiiskii Itoobiya loogu dhiibay Qalbi-dhagax oo Xog cusub bixiyay..?
- Sep 18, 2017
Iyadoo uu weli taagan yahay muranka ka dhashay dhiibida Sargaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse ...
DAAWO: Cali Khaliif oo ku dhawaaqay Arrin ka nixisay DFS & P/Land & QM oo wax ka og heshiiska S/Land..?
- Sep 18, 2017
Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa shaaca ka qaaday in QM iyo Beesha ...
ARAG: Wiil Garaacid ku dilay Hooyadiis oo 81 jir ah Si uu Xaaskiisa uqanciyo (Subxaanallah)
- Sep 17, 2017
Hooyo Da’ ah ayaa dhimatay kadib markii wiilkeeda uu six un ugaraacay, arintan ayaana ...
DHAGAYSO: Ra’iisal Wasaare Kheyre Afka Furtay: Maanta Dad baa diidan horumarka umadda Soomaaliyeed..?
- Sep 17, 2017
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa afka furtay oo ka hadlay markii ...
TOP NEWS:- Xawaalada Jubba oo Wariye caan ah lacag ka dhacday iyo Sababtii ka Dambeysay..?
- Sep 17, 2017
Xawaalada Jubba oo ka mid ah Xawaaladaha ka Hool gala Dalka Gudihiisa iyo Dibada ...