Loading...

XOG CUSUB: Somaliland oo ka laabaneysa Heshiiskii ay Imaaraadka ugu wareejisay Berbera (SABAB)

Somaliland ayaa laga yaabaa inay dib uga laabato heshiiska saldhigga milatariga Imaaraadka ee Berbera kadib doorashada madaxweyne, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Hoggaamiyaha xisbiga Kulmiye, ahna musharax madaxweyne, Muuse Biixi Cabdi ayaa saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga u sheegay inuu ka welwelsan yahay caqabadaha ka iman kara saldhigaas.

Biixi oo si aad ah ugu dhow dalalka reer galbeedka iyo Ethiopia, ayaa bishii May wada-hadallo sir ah la yeeshey saraakiil ka socotay Ethiopia, oo sidoo kale ka walaacsan saldhiggan, inkasta oo markii hore la sheegay in Ethiopia ay raali ka tahay.

Saldhiggan, ayay Ethiopia u aragtaa mid gebi ahaanba meesha ka saaraya awoodeedii Geeska Afrika.

Muuse Biixi, ayaa xubno ku dhow u sheegay in haddii uu ku guuleysto madaxweynenimada Somaliland, uu ka fakari doono, sidii uu u nasakhi lahaa heshiiska saldhigga Imaaraadka ee Berbera.

Hanjabaadda Muuse ee ah inuu ka baxayo heshiiska, ayaa loo arkaa inuu taageero uga raadinayo dalalka reer galbeedka, oo sidoo kale kasoo horjeeda saldhiggan.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...