Loading...

XOG DEG DEG AH: R/wasaare Kheyre oo soo Fara galiyay dagaalka Habar Gidir & Biimaal

Xog deg deg ah oo ay heshay Wakaalada Garqaad.com ayaa sheegeysa in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu kulan la qaatay Odayaal iyo Waxgarad ka kala socda Beelaha Habar Gidir iyo Biimaal.

Dagaal qaraar oo u dhaxeeya Maleeshiyada labada beel ayaa ka taagan magaalada Marka, waxaana lagu eedeeyay dowlada Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed inay ka gaabiyeen xalinta dagaaladaasi.

Xasan Cali Kheyre oo si weyn ay u dhibtay dagaalada soo laalaabanaya ee u dhaxeeya Labadaan Beel ayaa la sheegay in maanta uu kulan gaara la yeeshay Odayaasha, Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiin kasoo kala jeeda dhinacyada dirirta dhex martay.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo baxay qodobo dhowr ah oo lagu joojinayo dagaaladaasi, waxaana ugu horeeya in gudi loo diro magaalada Marka si ay u kala qaadaan labada Maleeshiyo Beeleed oo is hor fadhiya.

Nabadoonada labada dhinac ayaa eedeyn kulul isku jeediyay inta uu kulanka socday, waxaana mar ku dhamaaday inay madasha ka baxaan Beesha Habar Gidir oo ka carootay dalabyo ay soo hor dhigeen Biimaal.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo kaashanaya Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ku jira dowlada isla markaana ka soo jeeda beelaha dega Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in hada aysan muhiim aheyn in dagaal beeleedyo dalka ka dhacaan, wuxuuna nasiib daro ku tilmaamay in Shantii Sano ee la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen qeybo ka mid ah Shabeelaha hoose Habar Gidir iyo Biimaal.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...