Loading...

XOG: Farmaajo oo balan uu qaaday u fuliyey si ka duwan sidii loo rabay..?

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa markii uu doonayey inuu noqdo madaxweynaha dalka waxa uu sameeyay balan weyn oo shacabka ay uu riyaaqeen, balse sidii la rabay si ka duwan ayuu usameeyay.

Farmaajo ayaa shacabka u sheegay in haddii uu madaxweyne noqdo aan la xiri doono wax waddo ah, shacabkana damaashaadi doonaan.

“Haddii aan madaxweyne noqdo ma dhici doonto waddo la xiro ee waxaan furi doonaan kuwa xiran, haddii aan amnigeega u baqana waxaan dhex gali doonaan gaadiidka qafilan”

Shacabka ayaa hadalkaasi u riyaaqay, balse markii la doortay wuxuu fulinta ballanta ka dhigay inuuba sii xiro waddooyin cusub iyo kuwo aan waligood la xirin.
Shacabka waxay hadda la yaaban yihiin balantii Farmaajo iyo sida uu u fuliyey, waxayna marar badan isku dayeen in madaxweynaha dalab u gudbiyaan si waddooyinka xaafadaha loogu furo hase ahaatee ma aanay u suuragelin.

Dowladdii Xasan Sheekh hoggaaminayey ayaa xiri jirtay waddooyinka gaar ahaan Makka Al-mukarrama, balse midda Farmaajo ayaa xirtay waddooyinka inta badan Muqdisho.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...