Loading...

XOG: Maxaa Ka Jira In Sheekh Shariif Loo Wado Madaxweynaha Soomaaliya – Yaase u Wado..?

Sida xogtan ku heshay Garqaad.com waxaa jira dowlado iyo siyaasiyiin badan oo doonaya in madaxweynaha dalka laga dhigo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo ay jiraan ififaalo arrimahaasi muujinaya.
 
Dowlado ay hormuud u tahay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la xaqiijiyey in qarash aad u badan ku bixiyeen sidii Farmaajo loo tuuri lahaa, kadibna loo keeni lahaa Sheekh Shariif.
 
Xogtan ayaa sheegeysa in sidoo kale Sheekh Shariif uu ka bilaabay magaalada Muqdisho olole uu ku doonayo in saaxiibkiis Farmaajo meesha laga saaro.
 
Sidoo kale, baarlamaanka Federaalka gaar ahaan golaha shacabka ayaa la doonayaa in loo gudbiyo mooshin ka dhan ah madaxweyne Farmaajo.
 
Ulajeedka laga leeyahay ayaa waxay tahay oo kaliya in Imaaraadka iyo sidoo kale dalal kale ay Soomaaliya ka sameystaan wixii ay doonaan.
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...