Loading...

XOG: Maxaabiis xalay laga baxay Xabsiga Godka Jilacow oo si qarsoonid ah loo toogtay (Aqri)

War hoose oo ay heshay Wakaaladda Wararka Garqaad.com ayaa sheegaya in Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka in labo qof oo loo maleynayo iney yihiin Al-Shabaab xalay sir qarsoodi u dileen.
 
Mid ka mid ah Saraakiisha Nabad sugida ee Gobolka Banaadir oo magaciisa qariyay sababo amni dartood ayaa inoo sheegay in Labo maxbuus xalay lagala baxay Xabsiga Godka Jilacow oo ay Nabad sugida Gobolka Banaadir gacanta ku heyso ka dib meel ka baxsan xabsiga lagu toogtay.
 
Inkastoo sarkaal uusan faah faahin ku aadan labada ruux ee la dilay na siin iyo sababta loo dilay hadana waxaa loo badinayaa iney yihiin Al-Shabaab mudo ku xirnaa Saldhiga.
 
Wararka ayaa intaasi ku daraya in mararka qaar maxaabiis lagala baxo saldhiga lana dilo,kuwaasi oo inta badan dilalkooda loo aaneeyo qalad ka dhaco Saraakiisha Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka.
 
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...