MUSHARAX UGU CAD CAD DUQA DAGMADA GAALKACYO ABDIRAXMAAN SHEIKH

Musharraxa Duqa Degmada Gaalkacyo Ee Galmudug Abdirahman sheikh Hassan Oo soo Booqday Isbitaalka Weyn Ee Magaalada Gaalkacyo Ayaa Kormeeray Dhamaan Qaybaha Uu Isbitaalku Ka Kooban Yahay.

Mudane Abdirahman Sheikh Hassan Ayaa Sidoo Kale La Kulmay Agaasimaha Isbitaalka Gaalkacyo Dr Maxamed Cabdi Iyo Qaar Ka Mid Ah Dhaqaatiirta Isbitaalka Ka Hawlgasha Oo Uu Ka Dhageystay Xaaladda Guud Ee Isbitaalka Iyo Baahiyaha Xilligaan Ka Jira.
Musharraxa Ayaa Ku Amaanay Maamulka Iyo Dhaqaatiirta Iyo Hawlwadeenada Kale Ee Isbitaalka Shaqada Adag Ee Ay Bulshada U Hayaan Wuxuuna Balan Qaaday In Uu Mar Kasta Ka Shaqayn Doono Hormarinta Isbitaalka Guud Ee Gaalkacyo.